R/Wasaare Khayre oo xariga ka jaray xafiisyo lagu qabto cabashooyinka dadweynaha

Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee la xiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta sirasmi ah xarigga uga jaray xaruntaasi,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu kamid ahaa Wasiirka Cadaaladda.

Xafiisyadan ayaa waxaa ka howlgali doona sharci yaqaano, kuwaasi oo si mutadawacnimo ah bulshada ugu sameyn doona la-talin dhinacyada sharciga iyo Cadaaladda, iydoo uu halkaasi imaan dono muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo qaba tabashooyin.

“Waxaad uga mahadcelinayaa Wasaaradda Cadaaladda oo hirgelisay Xafiisyadan,tani waxay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Cadaaladda,waxayna Xukuumaddu ay xoogga saari doontaa sidii horumarin loogu sameyn lahaa arriamaha Cadaaladda iyo garsoorka oo muhiim u ah dalka”, ayuu yiri ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa uu guddoomay ilaa 18 sharciyo oo ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda,si loo hor geeyo Golaha Wasiirada,waxaana sharciyadaasi soo diyaariyay qaar kamid ah Wasaaradda Cadaadda Dalka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media