Dowladda Soomaaliya oo beenisay Riek Machar iyo Qoyskiisa in ay joogaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyay in aan waxba ka jirin wararka sheegaya in Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar, xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay kasoo degeen garoonka diraayadaha ee Aadan Cade ee Magaaladda Mogadishu.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Riek Machar iyo qoyskiisa lagu arkay garoonka Muqdishu.

“ Waxba kama jiraan wararka sheegaya in Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka South Sudan, Riek Machar iyo qoyskiisa ay ku suganyihiin, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde” sidaasi waxaa Radio Dalsan u sheegay saraakiil ka tirsan Saraakiil ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.

Dalka Koonfurta Suudaan oo ah dalkii ugu dambeeyay ee Dunida kusoo biiray, ayaa waxaa uu dagaal ka qarxay kadib markii Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisa uu dhex-maray dagaal xoogan, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan halka ay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ay ka barakaceen dagaalka, iyadoo ay usii dheertahay burburka hanti badan.

Dagaalkii ka qarxay dalkaasi, ayaa waxaa uu keenay in dowladda Soomaaliya ay kala soo baxdo muwaadiniinteedii ku suganaa dalkaasi kuwaasoo gaarayay 10 oo qof, waxaana diyaarado looga soo daad gureeyay dalkaasi.

Go’aankii dolwadda ay muwaadiniinteeda ugala soo baxayeen dalkaasi ayaa waxaa amaanay kumanaan soomaali ah oo dunida dacaladeeda ku noolaa.

19kii bishii May ayaa waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta Sudan.

Xafladii xarigga looga jarayey Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta Sudan waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka kala tirsan Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan Safiirro ka kala socday dalalka Turkiga, UK , Uganda, Kenya, Ethiopia, Sudan, South Africa, China , Japan, Congo DR, Nigeria iyo kuwo kale oo badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor