Dowladda Somalia oo War kasoo saartay diyaaradii ku dhacday Bardaale

Dowladda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay diyaaradii xamuulka aheyd ee gelinkii dambe ee shalay ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka duulista iyo Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaas ay aheyd nooca 120, ayna leedahay Shirkadda Africaan Express, isla markaana siday Xamuul.

Sidoo kale Qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in diyaarada ay shalay xamuul kasoo qaaday Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed, kuna sii jeeday Bardaale, hayeeshee xili ay u dhaweyd Garoonka ay burburtay.

Dowladda ayaa tilmaamtay inay ku howlan tahay baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa dhaliyay inay diyaaradda ay soo dhacday, waxaana dowladda  ay sheegtay inay si deg deg ah ah u shaacin doonto Natiijada kasoo baxda baaritaankaas.

6 Ruux oo la socday diyaaradda ayaa ku geeriyooday shilka, kuwaasi oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradda ay soo rideen Ciidamo Itoobiyaan ah, iyagoo u adeegsaday Qori Baasuuke.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media