Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Ninka dilay Wariye Saciid Yuusuf

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo xalay fiidkii hore Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ku dilay Wariye Saciid Yuusuf Cali oo kamid ahaa wariyeyaasha Muqdisho.

Dilka Waiye Saciid ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu isku dayay inuu ka celiyo Nin ku hubeysan tooreey iyo Haweeney, hayeeshee Ninka ayaa si toos ah tooreyda ugu weeraray Wariyaha, isagoo u geystay dhaawac Culus.

Intaas kadib ayaa Saciid waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si loola tacaalo xaaladiisa Caafimaad, balse waxaa uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu falka ka dhacaayay goobta ka Agdhawaa ayaa gacanta ku dhigay Ninka hubeysan ee dilay Allaha u naxariistee Wariye Saciid Yuusuf  Cali, waxaana la sheegay in la xiray Ninkaas.

Wariye Saciid ayaa waxaa uu haatan ka howlgalayay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ee Kalsan Tv Xaruntiisa Muqdisho, isagoona sidoo kale mar ka soo shaqeeyay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media