Dowladda Federalka Somalia ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay in ganaax lacageed laga qaabo Markab si sharci-darro uga jillaabanayey Badda Somalia, iyadoo Dowladda Maraykanka bogaadisay Arrintaasi.
Safiirka Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen Schwartz ayaa War-saxaafadee ka so osaaray magaalladda Nairobi oo uu ku bogaadinayo Iskaashiga ay Dowladdaha Somalia iyo Kenya ka yeesheen sidii tallaabo sugan looga qaadi lahaa Markabka Kalluumeysiga ee lagu magacaabo Greko 1, kaasi oo la qabtay iyadoo uu si sharci-darro ah uga kalluumeysanayo Badda Somalia.
“Dowladda Maraykanka waxay u hambalyeynaysaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somalia dadaalkooda ku aadan sidii loo yareyn lahaa Kalluumeysiga Sharci-daradda ee aan laga qabin ee Badda Somalia” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen Schwartz.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Milkiilayaasha Markabkaasi laga leeyahay dalka Panama waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 65,000 oo Dollar, kadib, markii lagu helay Kalluumeysiga Sharci-darradda ee Badda Somalia.
Markabkaasi waxa lagu sii hayn doonaa Dekedda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, ilaa iyo inta laga bixinayo Lacagta ganaaxa oo si toos ah loogu soo wareejin doonaa Dowladda Federalka Somalia.
Markabkaasi Greko 1, ayaa la sheegay in bishii October lagu qabtay Dekedda Muqdisho, isagoo waday shixnad kalluun la qaboojiyey oo culayskiisa dhan yahay 30-tan.
Shaqaalaha Markabkaasi waxay wateen Dukumentiyo Been abuur oo muujinaya inay fasax u haystaan inay ka kalluumeystaan Badda somalia
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulayaasha Kenya ayaa dadaal xooggan u galay sidii Milkiilayaasha Markabkaasi loola gaari lahaa Heshiiska Ganaaxa Lacagta in lagu wareejiyo Dowladda Federalka Somalia.
Qabashadda Markaasi ayaa timid, iyadoo la filayo inay Somalia xubin ka noqoto Shabakadda Afrika ee Ka-hortagga Kalluumeysiga Sharci-darradda ee Galbeedka Badweynta Hindiya ee loo yaqaano FISH-I Africa Network.
©Radio Dalsan