Maamulka Madaxweyne Barack Obama ayaa soo bandhigay faahfaahinta in ka badan 400 warqadood, buugaag, qoddob wareedyo, warbixino cilmi-baaris iyo Software manuals, oo ay Komaandooska Maraykanka ku soo qabteen Hawlgalkii ay sannadkii 2011-kii ku idleen Hoggaamiyihii Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laadin, oo xilligaasi ku sugnaa Dhismo ku yaalla dalka Pakistan.
Dukumentiyadda la sheegay inuu lahaa Marxuumkii Usaama Bin Ladain ayaa waxay Maraykanka sheegeen inay ku jireen qoraalo uu u soo diray Hoggaamiyihii Ururka Alshabaab, Sheekh Abu Zubeyr.
Qoddobadii ugu muhiimsanaa ee Qoraalkaasi xambaarsanaa ayaa kala ahaa Dagaalka lagula jiro AMISOM, Badbaadinta dadka ku ganacsanayo Suuqa Bakaaraha, Macluushii ka jirtay Somalia, Saboolnimadda dadka Soomaaliyeed, Adeegyadda Garsoorka, Dhul-beereedyadda, iyo Iskaashi dhex mara Alsshabaab iyo Alqaacida Gacanka Carbed.
Qoraalka la sheegay inuu bin Ladin u soo diray Hoggaamiyihii Alshabaab ee ay Dowladda Maraykanka soo baandhigeen ayaan ahayn midkii rasmiga ahaa ee ku qornaa Luqadda Soomaaliga, laakiinse waxay Maraykanka soo bandhigeen Qoraalladda oo ay Luqadda Englishka ku soo turjumeen.
Dhambaalka Usaama Bin Laadin ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la helo Garsoorayaal caadil ah, si ay u qaadaan dacwadaha ilaa aan ka ahayn aan ka ahayn Dacawadaha saameeya Ganacsiga.
Waxa uu intaasi ku daray in ay Ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin Garsoor iyo Nabad oo keliya.
Qoraalka waxa uu ugu baaqay Dagaalamayaasha Alshabaab inay Ciiddanka AMISOM uga hortagaan Garoonka Diyaaradaha iyo Waddooyinka, wuxuuna ku booriyey inaysan ka dhex dagaalamin Suuqa Bakaaraha, si loo yareeyo khasaaro soo gaara Muslimiinta ku sugan Suuqa Bakaaraha.
Qoraalka Hoggaamiyihii Alqaacida waxa kaloo lagu soo bandhigay Hawlgalka Uganda, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga fekero qorshe cusub oo lagu dili karo Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.
Waxa uu xusay in dilka Museveni dhabarjab ku noqon doonto dagaalka Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Qoraalka Usaama Bin Ladino oo ay Dowladda Maraykanka markii ugu horreysay soo bandhigeen ayaa waxa uu ugu baaqay Walaalaha Soomaaliyeed inay u naxariistaan dadka, isla markaana ay mar kalena u sheegaan Xadiithka.
Mar uu ka hadlay Xiriirka Alshabaab iyo Culumadda Suufiyiinta waxa uu Hoggaamiyihii Alqaacida kula taliyey Alshabaab inay hubiyaan inay u sheegaan iyaga inay sameeyaan waxa u wanaagsan.
Waxa uu intaasi ku daray inayan doonaynin inay Culumadda Suufiyiinta noqdaan qalab ay caddowga u adeegsadaan arrimo lid ku ah Alshabaab iyo Alqaacida.
Xigasho: WSJ