Dowladda Somalia oo Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay Urur Goboleedka IGAD dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyo ay dowladda Kenya ku heyso Arrimaha siyaasadda  Soomaaliya iyo Madaxbanaanida Jamhuriyadda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda ay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya Kenya, hayeeshee Kenya dhankooda aysan arrintaas saameyn.

Dacwada ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa waxaa Madaxda Urur Goboleedka IGAD 20-ka bishaan December ka yeelan doonaan kulan Deg-deg ah, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Jabuuti.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ma faahfaahin waxay ku saabsan tahay Dacwadda ay Soomaaliya kusoo oogtay dowladda Kenya, waxaana Dacwadaan la gudbiyey ay kusoo aadeysaa, iyada uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhexeeya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii aan u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Kenya.

Urur Goboleedka IGAD oo ka soo jawaabay dacwadda Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20ka Disembar ku yeelan doona magaalada Djbiouti, kaas oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay  faragelinta  Kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka Urur Gobolleedka IGAD iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida dalalka gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media