Haweenyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa sheegtay inay doonayaan inay qaabilaan Qaxootiga ku nool Libiya, iyadoo ay in ka badan 30,000 oo Qaxooti Afrikaan ah ay la dhibaataysan yihiin Tacadiyo iyo in Addoon laga dhigto.
Wasiirada waxay tilmaamtay inay haatan ku jiraan Wada-xaajood oo ay ku ogaanayaan sida u taageeri karaan Qaxootiga ku dhibaataysan Libiya, uguna soo dhaweyn lahaayeen Ruwanda.
Waxay intaasi ku dartay inay soo dhaweyn karaan qiyaastii ku-dhawaad 30,000 oo Qaxooti ah.
Louise Mushikiwabo oo la hadashay Wakaalladda Wararka ee AFP  ayaa sheegtay inay Ruwanda sida dalalka kale ee Caalamka inay ka argagaxeen Sawiradda Qaxootiga lagu kala iibsanayo, iyadoo ragga Afrtikaanka, Haweenka iyo Carruurta la qabsaday, lagana dhigay Addoon lagu shaqeysto.
Dalka Ruwanda oo baaxad ahaan aad u yar waxaa ku nool ku-dhawaad 12 million oo qof, mana muuqato Deegaano ay degi karaan Kumanaanka Kun ee Qaxootiga ku dhibataysan Libya.
Baaqa Dowladda Ruwanda ayaa soo baxay, kadib, markii uu Telefishinka Maraykanka ee CNN baahiyey Muuqaalo muujinaya Dhallinyaro Madow oo lagu kala iibsanayo dalka Libiya.
Dad ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika ayaa la sheegay inay Qaxootiga Afrikaanka u iibsadaan, si ay uga shaqeeyaan dhul-beereedka.
Telefishinka CNNÂ waxa uu tilmaamay in dadka la addoonsanayo midkiiba lagu iibiyo wax kayar 50 Dollar.