Galabta ayaa waxaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa ay kormeer ku tageen Saldhiga Booliiska degmada jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe Xuseen waxa Saldhigga ku soo dhaweeyay taliyaha Booliiska dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xasan Dhicisoow.
Saraakiisha Saldhiga iyo Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa intaasi kadib waxa ay wada qaateen kulan xogwareysi ah iyada oo taliye Xasan Dhicisoow uu Warbixin ka siiyay Masuuliyiinta qaabka uu u Shaqeeyo Booliiska Hir-Shabeelle.
Hoos ka Daawo Sawirrada kormeerka.