Dowladda Dalka Qatar ayaa Talaadada Maanta ah waxa ay Maamulka gobolkan Banaadir ku wareejisay 30 Gawaarida loo yaqaano Baska,kuwaas oo dhowr maalin kahor laga soo dejiyey Dekada Weyn  Magalada Muqdisho.
Gawaaridaan Basaska ah ayaa waxaa loogu talo galay in maamulka Gobolka Banadir uu ugu adeego Shacabka degan 17 degmo ee gobolkan Banaadir sida ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la wareegay basaskaan, kadib markii ay wareejisay Safaarada dowladda Qatar ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale 30-ka Bas ee Maanta Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyey ayaa inta Dowladda Hoose ee Xamar ka qaadatay marka laga reebo inta kale la filayo in lagu wareejiyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Sikasataba dowlada Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya,iyada oo xiriir dhaw la leh Madaxda hadda talada dalka heysa,xilli uu jiro khilaaf waqtigaan u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Wadamada Carbeed ee sheegay in ay xiriirka u jareyn dowladda Qatar.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi(Daalo) ayaa ka hadlay goobta Maanta dowladda Qatar ay Gaadiidak ugu wareejisay dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo sawirarda Gaadiidka lagu wareejiyey Gobolka Banaadir.