{DHAGEYSO}:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Emgiriiska oo ka wada hadlay Arimo ay ku jiraan Abaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK  Boris Johnson iyo wefti uu hogaaminayay oo si lama filaana ku yimid Muqdisho.

Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in Xoghayaha ay ka wada hadleen arimaha xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Engiriiska iyo xaalada abaarta ee hada isku rogtay macaluusha ee ka jirta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqashada Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ay tahay mid aad muhiim ugu ah Wadanka xiriirka labada dalna uu ahaa soo jireen waqti dheer.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media