Beelo walaalo walaalo ah oo wada degga Degmooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose, sdida degmadda Afgooye ayaa kulan dib u heshiisiin ah loogu qabtay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka.
Kulaan waxaa ka horeeyay kulamo kale oo lagu xal loogu goobayay colaado mararka qaar dadkaan walaalaha ah ku dhex mari jiray deegaanada Shabeelaha hoose, ugu dambeyn labada dhinac kala saxiixdeen qodobo ay ku heshiiyeen.
Maxamuud Maxamed Axmed oo aqriyay qodobada lagu heshiiyay ayaa sheegay in odayaasha labada dhinac ay isku afgarteen, nabad kuwada noolaasho iyo iskaashi walaalnimo.
Nabadoonada labada dhinac oo madasha ka hadlay ayaa balanqaaday in ay ka shaqeyn doonaan sidii uusan usoo laaban laheyn dagaal sokeeye.
Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan {Cali Ganeey} oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaan si gaar ah isugu howlay daminta xiisadaasi ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha oo kaalin ka qaatay xalinta colaadaasi.
Cabdi Rahsiid Maxamed Axmed wasiirka Tamar iyo Cadceeda XFS ayaa bulshada walaalaha ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan kheyraadka Alle ku maneystay gobolkaasi.