Madaxweyne xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey.
Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne ku xigeenku gardhaweyn ka yahay ayaa sannadkiiba hal mar uu kusoo kormeeraa Degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo.
Maayirka Degmada Berbera iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Berbera oo uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa ay ka warbixiyeen geedi socodka Mashuurca JPLG, waxa uga qabsoomay muddadii ay joogeen iyagoo si rasmiya usoo bandhigay wax qabad buuxa iyo taabagelinta qorshihii mashruucaasi, waxaana ay sheegeen inay xooga saareeen Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin usoo jeediyey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo ay horkacayaan Maayirka iyo Xoghayaha fulinta, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay sameeyeen iyo siday uga dhabeeyeen himiladii mashruucaasi dhankooda.
Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Muhiimadu dhaqaalaha uun maaha ee waa siduu wax u maamulo bani aadamku, waa sidaa imika qaramada caalamka waddan dhaqaale badani soo galo, haddana daynta iyo dhibaato iyo wareer ku jira, dal yar oo haddana aan kheyraad lahayn haddana si fiican wixiisa u maamushay, waxaynu u baahan nahay in Degmo walba waxa yar ee ay haysato si wacan u maamulato, maamulka wanaagsan uun baa bani aadamka wax gaarsiiya, adeegiisana hagaajiyaâ€.