Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska waxaa ay geysay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen rag Maleeshiyaad ah.
Maleeshiyaadka hubeysan ee ku dagaalamayay halkaas ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen kuwo dadka shacabka ah ee u Dalxiiska tega deegaanka Jaziira iyo Abaay dhaxan dhac baahsan u geysan jiray.
Ujeedka Ciidamada Booliska dowladda loo geeyay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jaziira ayaa waxaa ay tahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga wadada iyo sidii dadka shacabka ah ay si nabad ah ugu dalxiisi lahaayeen halkaas.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdiqaadir Carabow, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska iyo taliyaha nabad-sugida Gobolka ayaa shalay howlgal kormeer ah ku tagay wadadaas iyo deegaano kale oo ku teedsan.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in qof Shacab lagu dhibaateeyo wadada isku xirta Muqdisho iyo deegaanka Jaziira oo ah goob muhiim ah oo loo dalxiis tego.