Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Dowladda iyoShacabka Masaarida garab taagan yihiin DFS sidii lagu soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay inaysabn weeraradda iyo qaraxyadda wax u dhimi doonin dadaalka dadaalka ay dadka Soomaalida ugu jiraan dib-u-dhiska Hay’addaha Ammaanka, soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.
Dowladda Masar waxay kaloo sheegtay inay bogaadinayaan dadaalka Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka wadaan gudaha Somalia, waa sida hadalka loo yiri.
Dhinaca kale, Wargeyska Asharq Awsad ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Qarixii iyo Weerarkii shalay lala beegsaday Ciiddan ka tirsan Hawlgalka AMISOM lagu dilay 3 ka tirsan AMISOM iyo dhowr qof oo rayid ahaa.
Afhayeenka AMISOM,  Wilson Rono  oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay inay dad rayid ah ku geeriyoodeen Iska horimaadkii shalay AMISOM iyo Alshabaab ku dhex maray inta u dhexeysa Deegaanadda Carbiska iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho.
Ilo madaxa bannaan ayaa sheegay in iska horimaadkaasi lagu dilay 3 Askari oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM iyo 2 Macalim iyo  dhowr Arday iyo qof Oday ahaa.