Gabadahan oo Da’adaan lagu qiyaasay 15 jir ayaa waxaa lagu Magacaabaa Naciimo Bashiir,waxaana Ayeeyadeed Hooyadeed dhashay ay ku wada noolaayeen deegaanka Goobweyn ay Sun ku dhishay.
Gabadha ayaa Ayeeyadood oo lagu Magacaabi jiray Dahabo Maxamed Raashinkii Cashada ugu dartay Sunta,sida uu sheegay Guddoomiyaha deegaanka goobwyen Cumar Cabdullaahi Maxamed.
Dad ku sugan deegaanka Goobweyn ee dhacdadaan xalay ka dhacday ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay Gabadha Ayeeyadeed Suta u siisay ay tahay in ay ku qeylisay ama ay canaanatay taa soo keentay in Cashada ay suntan ugu darto,isla markaana goobta ay ku geeriyootay.
Sunta ayaa Gabadha xalay kasoo iibisay Goob Ganacsi oo ku taalla deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubabda Hoose,waxaana sida la sheegay ay suntan aheyd mida loo Isticmaallo beeraha ee lagu dilo Cayayaanka.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa saakay gaaray deegaanka Goobweyn,waxaana ay soo qaadeen Meydkii,iyaga oo gacanta ku dhigay Gabadhii Sunta ku dishay ayeeyadeed,waxaana dhacdadaas aad uga naxay Shacbaka ku nool deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.