Dowladda Mareykanka oo ka walaacsan qorshe uu wado Shiinaha

Xoghayaha Gaashaanshigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shalay sheegay in tallaabada uu Shiinuhu ku hormarinayo hubka hypersonic uu walaac ka abuurayo gobolka. Wuxuu sheegay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu wajaho khatarta uga imaanaysa Shiinaha.

Austin ayaa tegay magaalada Seoul si uu uga qeyb qaato wada hadallada ammaanka ee lala galay Kuuriyada Koofureed. Xilligaas, labada dal ayaa ka wada hadlay cabsida laga qabo dalalka deriska ah sida Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa isku dayaya inay horumariyaan hub awood leh oo dheeraad ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabineysay hubkeeda. Isla markaas, Ciidamada Shiinaha ayaa labo jeer riday gantaallo kuwaas la mid ah, kuwaas oo la ogaaday inay beegsanayaan bartilmaameedka loogu talogalay.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay tijaabadaas.

Bishii July, Shiinaha ayaa sameeyay tijaabo ay khubarradu ku sheegeen inuu yahay hubka nooca hypersonic. Inkastoo Shiinaha uu sheegay inay ahayd tijaabada hub hore oo duug ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor