Maayaradda Dowladaha Hoose ee magaallooyinka dalka Maraykanka ayaa Kulan Khaas ah shalay ka yeeshay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala gudaha Maraykanka.
Shirkaasi oo ka dhacay magaalladda San Faransiisko ayaa loogu baaqay Dowladda Federalka Maraykanka inay xal shaqeeya u helaan sidii qoysaska Soomaalida ku nool Maraykanka ay mar kale u awoodi lahaayeen sidii ay lacago ugu xawilil lahaayeen eheladooda ku nool gudaha dalka Somalia.
Qaraarka ka soo baxay Shirka Maayaradda magaallooyinka Maraykanka ayaa waxaa soo abaabulay Duqa magaalladda Seattle, Ed Muray iyo dhigiisa magaalladda Minneapolis, Betsy Hadges.
Duqa magaalladda Seattle, Ed Muray ayaa sheegay in Qoysaska Soomaalida Maraykanka ay sida Ajaaniinta ku nool Maraykanka doonayaan inay Taageero Dhaqaale u diraan Ehelladooda ay jeecl yihiin.
Waxa uu ugu baaqay Dowladda Maraykanka inay helaan qorshe oggolaanayo inay Xawaaladaha Soomaalida sii wataan lacagaha ay u dirayaan gudaha Somalia.
Duqa magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges ayaa sheegtay inuu si xooggan uga codsanayo Bangiyadda inay Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida kala shaqeeyaan sidii ay dadka ku nool Minneapolis kaalmo u diraan Qoysaskooda ku nool gudaha dalka Somalia.
Madaxa Hay’adda Samafalka OXFAM AMERICA, Raymond C.Offenheiser ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka waajib ku tahay inay dareen degdeg siiso Soomaalida Maraykanka ee la halgamayo sidii ay lacago ugu xawili lahaayeen kuwa ay jecel yihiin.
Dhinaca kale, Waaxyaha Maaliyadda iyo Dibedda ee dalka Maraykanka ayaan weli diyaarinin Nidaam ka taageeri kara Bangiyadda Maraykanka in loo oggolaado Taageero Dhaqaale in loo diri karo Somalia, iyadoo weli la hubinayo Ammaanka Maraykanka. Bishii February ee la soo dhaafay, Bangiga The Merchants Bank of California waxay joojiyeen dhaamaan Xisaabaaadka ee Xawaaladaha Soomaalida Maraykanka ee ay Lacagaha ugu xawili jireen gudaha Somalia.
Bishii la soo dhaafay, Duqa magaalladda Seattle, Ed Muray waxa uu la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry oo uu ku booriyey inuu tallaabo ka qaado xayiraadda saaran Xawaaladaha Soomaalida ee  ka hawlgala gudaha Maraykanka.
Xigasho:- BallardNewsTribune
© Warqabadka Radio Dalsan