Nin Soomaali ah oo lagu soo oogay inuu gawracay Xaaskiisa oo u dhalatay Maraykanka

Maxamed C/qaadir oo 21-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu gawracay, kadibna surka ka jaray Xaaskiisa oo la oran jireyJole Randolof oo 20-jir ahayd.

Boliska magaalladda Henderson ee Gobalka Nevada ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka haweeenydaasi ka heleen bishii hore ee March 23-dii Dhismo ay la degganayd Saygeeda oo ku yaalla Waddada Green River Road ee Waqooyiga dambe ee magaalladdaHenderson.

War Saxafadeed ka soo baxay Waaxda Boliska ee magaalladdaasi ayaa sheegay inuu Maxamed C/qaadir uu burus dhowr jeer madaxa kaga dhuftay xaaskiisa, ka hor inta uusan surka ka jarin, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Boliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha markii hore sheegay inay Xaaskiisa iyada surka iska jartay, balse, markii dambe ayuu qirtay, iyadoo maydkeeda laga helay qol mukayf lahaa.

Boliska waxay sheegeen inuu Lammaanahaasi ka dhexeeyey khilaaf, isla markaana ay doonayeen inay is-furaan ama kala tagaan.

Ilmo yar oo ay dhaleen waxaa la sheegay in lagu wareejiyey Hay’adda Adeegga Bulshadda ee Kansas,

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed C/qaadir waxa uu 2 sanno ka hor Qaxooti ahaan ku galay Maraykank, isago osharci ku jooga dalkaasi, inkastoo uusan weli helin Dhalashadda dalkaasi

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media