Dowladda Kenya oo ku gacan-sayrtay Baaqii Alshabaab ee ahaa inay ciiddankooda kala baxaan Somalia

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Rutto ayaa mar kale shaaciyey inaysan Ciiddankooda ka saari doonin Somalia, isla markaana ay u midoobi doonin La-dagaalanka Alshabaab.

Isagoo ka hadlayey Degmadda Kakamega ee Galbeedka Kenya ayaa ku dooday inaysan Alshabaab u sheegi karin inay Ciiddankooda kala baxaan Kenya.

“Waxay inoo sheegayaan inaan Ciiddankeenna la baxno, si ay u awoodaan inay ku qabsadaan qeybo ka mid ah Kenya” ayuu yiri Rutto, oo intaasi ku daray inaysan Alshabaab u oggolaan odonin inay hal taako ka qabsadaan dhulka Kenya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay isticmaali doonaa hub kastas si loo sugo ammaanka guud ee dadka Kenyaatiga.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Rutto oo ah Musharaxa Doorashadda Madaxtinimadda Kenya ka dhici doonta sannadka 2020-ka, ayaa ugu baaqay dadka Kenya inay u midoobaan La-dagaalanka waxa loogu yereo Argagixisadda iyo sugidda ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor