Dowladda Kenya oo Derbi Ku Dhiseysa Xadka Kala Qeybiya Soomaaliya iyo Kenya

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay dheseysaa derbi u dhexeya dalalka Kenya iyo Somaliya, gaar ahan dhinaca Jaziirada Lamu, si amaanka sare loogu qaado.

Gudoomiyaha Gobolka Lamu, ee dalka Kenya Issa Timamy, ayaa shegay in derbigaas uu dowlada ka caawin doono ka hortagida dadka sida sharci darada ugu gudba Kenya.

“ waxaa aaminsanahay in qorshahaan dhismaha derbiga uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u hirgalayo, waxaana rajeynayaan in barnaamijkaan uu dhaman doono dhamaadka Sanadkan” ayuu usheegay Mr Timamy warbaahinta Gobolka Lamu.

Dhawan ayaa ciidanka amaanka Jaziirada Lamu, waxaa ay deganka Kamboni ay ka qab qabteen dad kasoo gudbay xadka somaliya kuwaasoo doonayay in ay si sharci daro ay ku galaan Kenya. Arintaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa iyadoo 24-tankii saac ee lasoo dhaafay ciidanka amaanka dalka Kenya lagaliyay heegan si loogu feejignaado werarada Al Shabab, madaama ay soo saareen Fiidiyoow muujinayay in ay weerari doonaan dalalka Canada, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada ciidankooda Nabad illaalin ujooga gudaha somaliya, kuwaasoo la dagalama Xarakada Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor