Dowladda Federalka oo sheegtay inay albaabadda u furan yihiin Wada-hadalka Dagaalamayaasha Alshabaab

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Cante ayaa sheegay inay albaabadda u furan yihiin wada hadalo lala yeesho Alshabaab, gaar ahaan waxa u uugu yeeray kuwa rajadda laga qabo inay ku soo biiraan bulshadoda.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha Wada-xaajoodka ee Dhaqaalaha Adduunka ee Afrika (WEF-Africa) oo ka socda magaalladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika.

“Waxaan wada-hadal kula jiraan kuwa ay Hadafka Waddaniyadda Somalia ku dheer tahay ee ka tirsan Alshabaab, ee ma aha kuwa aaminsan Aragtida fog ee Xagjirnimadda Caalamka” waa sida u uhadalka u yiri Wasiir Caynta.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka Somalia ku guuleysatay sidii loo yareyn lahaa goobaha ay Alshabaab ka maamulaan gudaha dalka Somalia, oo ay horey u haysteen 60%, wuxuuna intaasi ku daray inay inta badan Alshabaab isaga  tageen Dagaalkii.

Waxa kaloo uu hadalkiisa ku xusay inay Dowladda Federalka sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, si ay u gaarsiiyaan farriin la xiriira inaan la oggolaan karin waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor