Markab ay leedahay dowladda Turkiga oo sida gargaar bini’aadamnimo oo ballaaran ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Turkigu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Markabka oo ah mid si gaar ah loogu soo diray Soomaaliya, waxa uu waday gargaar ballaaran oo isugu jira raashin, dawooyin, iyo agab kale oo lagama maarmaan u ah ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira.
Munaasabad kooban oo gargaarka lagula wareegayay ayaa ka dhacday gudaha dekedda, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u guddoomay gargaarka, iyagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa marar badan Soomaaliya u soo dirtay gargaar bini’aadamnimo, gaar ahaan waqtiyada ay abaaruhu saameeyaan dadka danyarta ah iyo marka ay jiraan xaalado adag oo soo wajahda bulshada. Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyada oo xiriirka ka dhexeeya labada dal uu sii xoogeysanayo sanadihii u dambeeyay. Gargaarkan ugu dambeeyay wuxuu astaan u yahay sii socoshada taageerada wanaagsan ee Turkigu u fidinayo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku dadaalaya in ay gacan ka geystaan yareynta baahida iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka ka jira.