Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weeraradii iyo qaraxyadii shalay lala beegsaday Dhismayaasha Laba Wasaaradood oo ku yaalla Muqdisho, laguna dilay ugu yaraan 10-qof, halka 11-kalena lagu dhaawacay.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga waxay ku sheegeen inay si xooggan u cambaareynayaan weeraradda iyo qaraxyada lala beegsaday Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshdda iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federalka Somalia.
Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Dowladda Turkiga waxay u tacsideyeen DFS, qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen, waxayna dadka ku dhaawacmay u rajeeyeen inay ka soo kabtaan dhaawacyadii ka soo Gaaray weerarkii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga waxay soo saareen hadal-qoraal oo ay ku cambaareeyeen weeraradii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.
Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Dowladda Sacuudiga garab taagan tahay DFS iyo dadka Soomaaliyeed sidii looga hortegi lahaa Weeraradda hubeysan iyo falalka Xag-jirnimadda waa sida hadalka loo dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weeraradii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.