• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku Riday Rag ka tirsan Daacish

Bilan Media by Bilan Media
March 24, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Daacish.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay  in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

Intii uu Alshabaab katirsanaa ayaa gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat  oo Daacish gabaad u ah.

Taba-bar kale oo dheeraad ah ayay daacish sii-yeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG.

Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid  Alshabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin..

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli  ay u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018.

Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan Alshabaab,  waxa uu kaga biiray Alshabaab tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle.

Muddo kadib ayuu ku biiray Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulkan bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka.

Intii uu daacish la joogo waxa uu  la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad  ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho  sidii uu u fulin lahaa amarrada Saraakiisha Daacish.

Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen Daacish.

Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019,  muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo faristay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Previous Post

Dhageyso:- Warka Subax Ee Radio Dalsan 24-03-2019

Next Post

Dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga oo Cambaareeyey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Next Post

Dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga oo Cambaareeyey Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa si rasmi ah u caddeysay in aysan aqoonsanayn maamulka ku-meel-gaarka ah ee...

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa si kulul uga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay gobolka Sweida ee ay...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
PM Hamsa Orders Swift Emergency Response to Drought-Stricken Awdal Region
English News

PM Hamsa Orders Swift Emergency Response to Drought-Stricken Awdal Region

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle
English News

Somali National Army Conducts Successful Operation in Lower Shabelle

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
  • Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
  • Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00