Dowladaha Somalia iyo Sacuudiga oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, oo haatan booqasho ku jooga Magalada Riyad ee wadanka Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu ka qeyb galay shirka Wasiirada Gaadiidka ee Wadamada Carabta.

Shirkaan ayaa waxa uu lahaa ahmiyad weyn oo ku aadan horumarinta iyo iskaashiga wadamada Carabta ee dhinacyada gaadiidka Cirka,Dhulka iyo Duulista Hawada,waxana gaba gabadii lagu aas’aasay urur ay ku mideysan yihiin Wadamada Carabta.

Ururkaas ayaa ku howlgeli doono la socoshada nabadgelyada hawada iyo gaadiidka Cirka,isla markaana doorweyn ka qaadan doona mideynta hanaanka amniga Gaadiidak hawada.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo Wasiirka Gaadiidka dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Cabdi Xakiin Bin Maxamed Altamiimi ayaa waxa ay kala saxiixdeen heshiis lagu xoojinayo wax wada qabsi dhinaca duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Heshiiskaas waxaa dhinaca Soomaaliya goobjoog uga ahaa siihaya Safaarada Soomaaliya ee wadana Sacuudi Carabiya Mudane Saalim Macow Xaaji,iyada oo dhinaca Sacuudiga ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasiirka Gaadiidka boqortooyada Wasiirka Gaadiidka .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor