• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Qodobbadii lagu heshiiyay ee ka soo baxay shirkii Afisyooni

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 27, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 14 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayna ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi, Madaxweynaha, Jubaland Axmed Sh Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxed {Laftagaren, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye{ Qoorqoor}, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen { Cali Guudlaawe}, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxuud Maxed Filish.

Shirka ayaa ka dhacay Magaalada Mogadisho, socdayna 22 – 26 May 2021. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si qoto dheer uga dooday xal u helista caqabadaha fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee hannaanka qabsoomidda doorashada hay’adaha dastuuriga ah ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 si ay u meel mariyaan qodobada farsamo ee soo jeedinta Guddiga oo ka koobnaa:

  1. Tubta xallinta cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer Guddi.
  2. Xal u helidda Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland
  3. Hannaanka xalinta khilaafka Gobolka Gedo
  4. Hirgelinta qoondada haweenka
  5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

Golaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay qodobo ay u arkeen in ay muhiim u yihiin qabsoomidda doorashada oo ay ka mid yihiin; amniga guud ee Dalka,kan doorashada iyo Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Haddaba, Golaha Wadatashiga Qaranka, iyagoo tixgalinaya baahida loo qabo in doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya ay ku qabsoonto muddo cayiman, kuna dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah, Dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed, waxay dood iyo falanqeyn dheer kadib go’aamiyeen qodobada soo socda:

  1. Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka
  2. Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
  4. Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.
  5. Xallinta khilaafka Guddiga maamulka doorashada Somaliland

Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu go’aamiyey:

  1. Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ayaa ka masuul ah habsami usocodka Doorashooyinka Kuraasta Soomaaliland isagoo ka talo-galinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.
  2. Gudoomiye Cabdi xaashi ayaa soo magacaabaya 4 Xubnood oo ka mid ah gudigga maamulka doorashada ee kuraasta soomaaliland {SEIT}, hal xubin oo ah guddiga Maamulka doorashooyinka ee Heer Federaal ee Soomaaliland {FEIT} iyo xal xubin oo ah gudiga Khilaafaadka.
  3. Hannaanka xallinta khilaafka Gobolka Gedo

Shirka ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xeeriyey soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo ee 16 February 2021 ee tubta xalinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

Haddaba, Goluhu wuxuu go’aamiyey:

  1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ugu baaqayaan bulshada Gobolka Gedo in laga shaqeeyo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulsho iyo kan maamul ee Jubaland.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalku uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta Gobolka Gedo si ay habsami ugu dhacdo doorashada Gobolka Gedo.
  3. Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu go’aamiyey abuuridda guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah oo aysan ku jirin Jubaland si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.
  • Guddigu wuxuu ka masuul yahay abuuridda jawi xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo ay ku qabsoomi karto doorasho wada oggol ah oo ka dhacda Magaalada Garbahaarey iyagoo si dhaw ula shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha XFS.
  • Gudigu wuxuu soo jeedinayaa min labo Xubnood ee jagada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaareey iyagoo latashanaya Bulshada qaybaheeda kala duwan.
  • Guddiga waxaa lagu soo magacaabayaa muddo 3 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.
  1. Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka Degmada Garbahaarey ee ay soo gudbiyeen Guddiga dib u heshiisiinta si waafaqsan soo jeedintii Guddiga Farsamada 16 February 2021 ee Baydhabo.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu farayaa Guddiga dib u heshiisiinta in ay ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta Gobolka Gedo guud ahaan iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa magacaabidda Guddiga.
  3. Dhinaca amniga doorashada Garbahaarey, Goluhu wuxuu go’aamiyey:
  4. In Booliska AMISOM la geeyo Magaalada Garba
  5. haarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu,
  • In Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ah (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.
  1. Goluhu wuxuu go’aamiyey in Guddiga dib u heshiisiinta ay usoo gudbiyaan Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, laguna hirgeliyo muddo 60 maalmood ah doorashada ka dib.
  2. Amniga Doorashada (Election Security Protocol)
    • Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen:
  3. In la dhiso guddi amni oo ka kooban 9 xubnood, masuulna ka ah amniga doorashada, uuna hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnana ay ka yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
  4. In Guddiga Amnigu Diyaariyo ciidamo u gaar ah illaalinta goobaha ay ka dhacayso doorashada, gaar ahaan goobaha lagu dooranayo kuraasta Somaliland, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  5. Goluha Wadatashiga Qaranku wuxuu farayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga labada heer in aysan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada.
  6. In Guddiga amniga doorashadu ay warbixin joogta ah siiyaan Golaha Wadatashiga Qaranka si ay go’aan uga gaaraan hadba xaaladda taagan ee arrimaha amniga doorashada.
  7. Hirgelinta qoondada haweenka
    • Goluhu wuxuu isku raacay, iyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2020 ee xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, in la illaaliyo qoondada haweenka ee labada Aqal.
  1. Jadwalka qabsoomidda Doorashada
    • Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada Federaalka ee 2020/2021, wuxuu go’aamiyey:
  2. In Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah sida ku caddayd soo jeedintii 16 feb ee Baydhabo.
  3. In Guddiga Maamulka Doorashada heer Federaal (FIEIT) ay soo saaraan jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada oo ku dhisan muddada ku xusan xarafka (a).
  4. In Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SIEIT) ay diyaariyaan jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal.
  5. Joogteynta wadashaqeynta Golaha Wadatashiga Qaranka.
  1. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa masuul ka ah fulinta heshiiskaan iyo ka shaqeynta amniga guud ee Dalka iyo kan doorashada.
  2. Goluhu wuxuu go’aamiyey in ay yeesheen kulamo joogta ah oo lagu hubinayo fulinta iyo habsami u socodka hannaanka qabsoomidda doorashada, laguna xalinayo wixii caqabado ka dhasha hirgelinta doorashada.
  3. Qariiradda (Roadmap) dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya
  4. Goluhu wuxuu si qoto dheer uga wada hadlay, go’aanna ka gaaray in la dejiyo qariiradda qorshayaasha mudnaanta leh ee dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyadoo la tixgeliyey in muddo labo sano gudahood ah lagu dhameystiro dhammaan qorshayaasha hortabinta leh.
  5. Goluhu wuxuu go’aamiyey in ay si joogta ah uga wada shaqeyaan hirgelinta qariiradda dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee ku lifaaqan heshiiskaan.
  6. Mahadcelin
  7. Golaha wadatashiga Qaranku wuxuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahad celinayaa doorkiisa hogaamineed iyo fududeynta shirka.
  8. Goluhu wuxuu Saamileyda Siyaasadeed, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen gaarista heshiiskaan iyo xallinta khilaafaadkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka.
  9. Goluhu wuxuu sidoo kale Beesha Caalamka uga mahad celinayaa taageerada ay la garab joogaan Dowladda Soomaaliya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka.

===DHAMMAAD===

LIFAAQ – WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN

Qariiradda (Roadmap) Dhameystirka  Dhismaha Dowladnimada Soomaaliya

 Horudhac

Si loo dhameystiro dhismaha dowladnimada Soomaaliya ee ku dhisan hannaanka Federaalka ah, loogana gudbo caqabadaha soo noq noqday ee khilaafka siyaasadeed, waa in Madaxda loo doorto hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay ka shaqeeyaan adkeynta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ay si mideysan uga shaqeeyaan xasilinta iyo amniga Dalka si loo gaaro dal la jaanqaadi kara dunida inteeda kale.

Haddaba, si loo gaaro mabaadiida kor ku xusan, Goluhu wuxuu isku raacay hirgelinta qariiradda (Roadmap) qorshayaasha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dowlad dhiska Soomaaliya, sida ku cad shaxda hoose:

No Qorshaha mudnaanta leh Faah faahin Muddada hirgelinta Masuuliyadda
1 Dhameystirka Dastuurka Federaalka ah In heshiis laga gaaro guddiga dib u eegista iyo geeddi socodka dhameystirka dib u eegista Dastuurka February 2022 Wadajir FGS/FMS
In la dhameystiro qodobada farsamo April 2022 Wadajir FGS/FMS
In heshiis laga gaaro qodobada siyaasiga ah ee lagu muransan yahay sida:1.     Awoodaha iyo wadashaqeynta heerarka dowladda

2.     Qaybsiga khayraadka

3.     Nadaamka Cadaaladda

4.     Illaalinta Dastuurka

 

May 2022 Wadajir FGS/FMS
In heshiis siyaasi ah laga gaaro ku dhaqanka Dastuurka inta laga dhameystirayo qaddiyadda Somaliland June 2022 Wadajir FGS/FMS
2 Dhameystirka hannaanka dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga Dalka  In heshiis wadajir ah laga gaaro qaabka loo dhisayo ciidamada Qaranka Soomaaliya, dib u eegisna lagu sameeyo heshiisyadii hore ee amniga February 2022 FGS – FMS
In dib loo qaabeeyo dhismaha ciidamada Qaranka, qalabeeyo, loona diyaariyo in ay la wareegaan masuuliyadda amniga Qaranka March 2022 FGS – FMS
Xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan Argagixisada September 2022 FGS – FMS
3 Qaddiyadda Somaliland In DFS iyo DXDFS ay heshiis ka gaaraan hannaanka wada hadalka arrimaha Somaliland February 2022 Wadajir FGS/FMS
In lagu gudagalo wada hadalada Somaliland August 2022 Wadajir
4 Maqaamka Caasimadda Soomaaliya In Hay’adaha Dowladda DFS iyo DXDFS ay heshiis mideysan ka gaaraan maqaamka Caasimadda February 2022 Wadajir FGS/FMS
5 Dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed In dib uhabayn lagu sameeyo Gudiga dib-uheshiisiinta Qaranka  February 2022 Wadajir FGS/FMS
Diyaarinta qorshaha dib u heshiisiinta Qaranka  May 2022 Wadajir FGS/FMS
Hirgelinta barnaamijka dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed December 2022 Wadajir FGS/FMS
6 Deeqaha iyo Deyn cafinta In laga heshiiyo qaybsiga deeqaha iyo tubta deyn cafinta May 2022 Wadajir FGS/FMS
7 Hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah In dib loo eego, heshiisna laga gaaro dhammaan shuruucda, Guddiga iyo siyaasadaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah May 2022 Wadajir FGS/FMS
in la dhameystiro geeddi socodka qabsoomidda doorashada (Xisbiyada, tirakoobka dadka, xuduudeynta, dhaqaalaha iyo agabka doorashada) September 2023 Wadajir FGS/FMS
Previous Post

Heshiiska ku aaddan doorashooyinka dalka oo si wadajir ah loo saxiixay

Next Post

Beesha caalamka oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post

Beesha caalamka oo baaq u dirtay madaxda Soomaalida

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00