Akhriso:- Magacyada Mas’uuliyiin ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay Saldhigga D/Waaberi

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro badan gaystay oo caawa ka dhacay Salidhigga Degmada Waaberi ee Gobolkani Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu weeraray Saldhiga degmada Waaberi ee  Gobolkani Banaadir, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in Gaari Ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhiga booliska degmada oo ku yaalla aga-gaarka Isgoska Dabka, waxaana qaraxu uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Dadka ku dhintay Qaraxa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Degmada Waaberi  Axmed baashane oo ku Magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye  uga soo noqday  Saldhigyada Degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolkani Banaadir.

Sidoo kale waxaa ku dhintay weerarkaasi Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi.

Gaashaanle Cabdibaasid ayaa ahaa ku-xigeenka Taliayaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Dhanka kale waxaa jira Mas’uuliyiin kale oo dhaawacyo culus qaba kuwaasi oo wali laal tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor