HomeWararDowlada Soomaaliya oo ka hadashey ciidamada badda Turkiga ee imaanaya xeebaha dalka

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey ciidamada badda Turkiga ee imaanaya xeebaha dalka

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA-ada kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq. La taliye Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ka socda dalka Turkiga la filayo in dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, islamarkaana qorshaha ay ku imaanayaan uu qeyb ka yahay heshiiskii difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. “Ciidamada waxay noqon doonaan kuwa ka socda Ciidamada Badda Turkiga waxay tababarayaan Ciidamada Badda Soomaaliya ee u taagan difaacida Badda, waana fulinta heshiiskii aanu wadagalnay dowladda Turkiga ee dhinaca difaaca, dib ayaa laga soo sheegi doono halka ay ka howlgalayaan ciidamadaas ka socda ciidamada Badda Turkiga” ayuu yiri Lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud. Wuxuu sidoo kale ka hadlay Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxa jira warar sheegaya in dowladda Masar ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya. “Qorshe Masar ay ciidamo noogu soo direyso majirto, Xukuumadda Qaahira kaliya waxay ka qeyb qaadaneysa sidii ciidamada Soomaaliya lugahooda ugu istaagi lahaayeen, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladaha saaxiibada nahay la wada galno heshiiskii difaaca Masarna heshiisyada ayuu la mid yahay ee Soomaaliya kuma tala galeyso in dalkeeda loo difaaco” ayuu yiri La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud. Ugu dambeyntii La taliyaha amniga qaranka oo wax laga weydiiyay hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq cida iska laheyd iyo waxa ay dowladda Fedaraalka kala ogtahay ayaa arintaasi ka gaabsaday, isagoona xusay inuu dhacdadaasi baaritaankeeda uu socda, islamarkaana uu dooneyn inuu ka hordhaco natiijada baarista socota.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories