HomeWararDowlada Soomaaliya oo ka hadashey ciidamada badda Turkiga ee imaanaya xeebaha dalka

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashey ciidamada badda Turkiga ee imaanaya xeebaha dalka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA-ada kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq. La taliye Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ka socda dalka […]

- Advertisement -
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA-ada kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq. La taliye Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ka socda dalka Turkiga la filayo in dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, islamarkaana qorshaha ay ku imaanayaan uu qeyb ka yahay heshiiskii difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. “Ciidamada waxay noqon doonaan kuwa ka socda Ciidamada Badda Turkiga waxay tababarayaan Ciidamada Badda Soomaaliya ee u taagan difaacida Badda, waana fulinta heshiiskii aanu wadagalnay dowladda Turkiga ee dhinaca difaaca, dib ayaa laga soo sheegi doono halka ay ka howlgalayaan ciidamadaas ka socda ciidamada Badda Turkiga” ayuu yiri Lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud. Wuxuu sidoo kale ka hadlay Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxa jira warar sheegaya in dowladda Masar ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya. “Qorshe Masar ay ciidamo noogu soo direyso majirto, Xukuumadda Qaahira kaliya waxay ka qeyb qaadaneysa sidii ciidamada Soomaaliya lugahooda ugu istaagi lahaayeen, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladaha saaxiibada nahay la wada galno heshiiskii difaaca Masarna heshiisyada ayuu la mid yahay ee Soomaaliya kuma tala galeyso in dalkeeda loo difaaco” ayuu yiri La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud. Ugu dambeyntii La taliyaha amniga qaranka oo wax laga weydiiyay hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq cida iska laheyd iyo waxa ay dowladda Fedaraalka kala ogtahay ayaa arintaasi ka gaabsaday, isagoona xusay inuu dhacdadaasi baaritaankeeda uu socda, islamarkaana uu dooneyn inuu ka hordhaco natiijada baarista socota.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts