Donald Trump oo ka digay Dagaalka 3-aad ee Adduunka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxtinimadda Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Qorshaha Hillary Clinton ee dalka Syria horseedi doono inuu Caalamka ka qarxo Dagaalkii 3-aad ee Adduunka.

Isagoo ka hadlayey goob lagu ciyaaro Xeegada ama Golofka ayuu si kulul u naqdiyey Hillary Clinton oo ah Musharaxa Madaxtinimadda ee Xisbiga Dimuqraadiga, wuxuuna sheegay  haddii la dhegeysto Hillary Clinton in lagu dhamaan doono Dagaalka 3-aad ee Adduunka.

Waxa uu ku eedeeyey inay doonayso inau la dagaalanto dalka Raashiya oo haysta Hubka Nukliyeerka, Iran, Syria, wuxuuna ka digay qorshaheeda ku aadan in Deegaano ka caagan Diyaaradaha laga sameeyo gudaha dalka Syria.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor