Donald Trump iyo Angela Merkel oo Kulan ku yeelan doona Washington.

Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Jarmalka ayaa la filayaa inay booqasho ku tagto dalka Maraykanka, si ay Madaxweyne Donald Trump ula kulanto maalinta Talaadada ee soo socota.

Kulankooda oo ka dhici doona Aqalka Cad ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee ay Labada Hoggaamiye fool-ka-fool u kulmaan tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump loo caleemo-saaray Xilkaasi bishii Janaayo ee sannadkan.

Anjela Merkel oo tan iyo sannadkii 2005-tii  haysay Xika RW dalka Jarmalka ayaa la filayaa inay Trump kala hadasho Ajendooyin ay ka mid yihiin Xiriirka Maraykanka iyo EU-da iyo Xiisadaha Caalamka iyo Socdaalka.

Afhayeenad u hadashay Anjela merkel ayaa sheegtay inay Labada Hoggaamiye diiradda saari doonaan Arrimaha Caalamka, Qaxootiga, Xiisadda Raashiya iyo Ukraine, Xiriirka EU-da iyo Maraykanka, Isbahaysiga NATO iyo Heshiiska Ganacsiga ee Transatlantic.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media