Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta gaaray Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada Puntland.
Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa gaaray Magalada Garoowe,iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Booqashada Maanat ay Xildhibaanada heer federaal ah ku tageen Magalada Garoowe ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Puntland ay deegaanadeeda ka mamnuucday Xubnaha ka tirsan Federaalka inta lagu jiro doorashada.