Maanta ayaa la filayaa in magaalada muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Muqtaar Rooboow oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulankaan oo ah mid xasasi ah ayaa waxa uu ka mid yahay wadahadalada u dhaxeeya Muqtaar Roobow iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muqtaar Roobow ayaa horay ula kulmay Ra’iisul wasaare Kheyre iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed kulankaas oo ahaa mid wadatashi ah.
Kulanka Maanta ayaa ka duwan kulamadii hore,waxaana uu yahay mid dhegta lagu wada haayo,in kastoo Saxaafada aan looga yeerin.
Muqtaar Roobow ayaa weli qaadan Go’aan kale marka laga soo tago in uu ka baxay Al-Shabaab,waxayna dowladda Soomaaliya ka fikireysaa waxa ay ka yeeli laheyd isaga iyo Ciidamadiisa.