Sida ay Dadka Deegaanka inoo xaqiijiyeen Diyaarado Dagaal ayaa waxay 4 Gantaal ku dhufteen Saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
“Guud Diyaaradda iyo Dayaanka Qaraxyadda ayaan maqlay saqdii dhexe†ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Ceel-cadde, wuxuuna ka gaabsday faahfaahino kale.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay Lidka Diyaaradaha ku waabiyeen Diyaaradahaasi, lamana  garanayo khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi,
Dhinaca kale, Duqeyn kale ayaa laga soo sheegay inay Diyaaradaha Kenya u geysteen Deegaanka Yurkud ee isla Gobalka Gedo, lama shaacinin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
©Radio Dalsan