Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inay qoraal u direen Ra’isul-wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum si loo caddeeyo doorka ay Ciiddankooda ku lahaayeen weerarkii ay Isbahayssiga Sacuudiga ku qadeen dooni ay la socdeen Qaxooti Soomnali ah oo maraysay meel ka baxsan Glbeedka Xeebta Yemen.
“Imaaraadka waa inay soo gudbiyaan Warbixin doorka ciiddankooda ee Duqeyntii sharci-darradda ee Isbahaysiga Sacuudiga iyo inay taageero ka geystan Baaritaanka Caalamiga ee Sharciga Dagaalka ee dhamaan Kooxah ku lugta leh Dagaalladda Yemen.
Bishii la soo dhafaay ee March 16-dii ayey Helikoptar ay leeyihiin Isbahaysiga Sacuudiga waxay weerareen dooni ay la socdeen 145 Qaxooti Soomaali meel ku dhow Dekedda magaalladda Xudeyda ee dalka Yemen.
Duqeyntaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 33 qof, iyadoo 29-kalena lagu dhaawacay.
Isbahaysiga Sacuudiga keliya ayaa loo aqoonsan yahay ciiddanka keliya ee Hawlgalladda Milliteri ka wada Deegaanka lagu weeraray Qaxootiga Soomaalida.
Xubin ka tirsan Ciiddanka Imaaraadka ayaa sheegay inay iyagu ka hawlgalaan Deegaankaasi, balse waxa u ubeeniyey inay iyagu qaadeen Weerarkaasi, sida ay ka soo xigatay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee WAM.
Xigasho: HRW
©Radio Dalsan