Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxaa ay Wiil la sheegay inuu dhalinyaro ku dileen Xaafad ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilkaan ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen inuu ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, waxaana Wiilka lagu dhuftay dhowr xabadood, isagoona goobta ku dhintay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabiisa lagu soo gaabiyay Liibaan, waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib tegay goobta, iyagoona soo qaaday Meydka Marxuumka.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wiilka la dilay uu ahaa Guddoomiye Laameed ka tirsan degmada Hodan e Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ahaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca Dilal qorsheysan oo ay geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media