Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay gudaha Degmada Hodan Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa shacab.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa la magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey, kaasi oo la toogtay xili uu watay gaari nooca raaxad ah, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in goobta uu falka ka dhacay ay ka baxsadeen ragii ka dambeeyay dilka C/llaahi Xiirey.
Intaas kadib ayaa halkaas waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, kuwaaso oo soo ka qaaday Meydka Marxuumka.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Ninkaas oo la tilmaamay inuu ahaa shacab, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa ka noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.