Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ayaa la sheegay inay Waaberigii saakayto duqeeyeen Fariisin Milliteri oo ku yaalla meel ku dhow Gobalka Xama ee dalka Syria.
Telefishinka Dowladda Syria waxa uu sheegay inay Ciiddanak Difaaca Cirka qabteen, soona rideen qaar ka mid ah Gantaalladda ay Diyaaradaha Dagaalka Isreal soo tureen.
Ilo Milliteri ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Syria ee SANA iyo Tv-ga Qaranka inay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen mid ka mid ah Fariisimadda Milliteriga ku leeyihiin Degmadda Masyaf ee Gobalka Xama.
Duqeyntaasi oo la burburiyey ka hor intaysan gaarin hadafkooda waxaa ku dhaawacantay 3 Dagaalyahan, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Syria ee SANA.