Maraakiib ay ku raran yihiin Kumanaan Tan oo Bariis ah ayaa waxay shalay oo Jimco ahayd ka soo shiraacdeen Dekedda Huangpu ee magaalladda Shaangahai ee dalka shiinaha, kuwaasi oo ku soo wajahan dalalka Somalia,South Sudan iyo Kongada Dimuqraadiag ee DRC.
Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaaamijka Cuntadda Adduunka (WFP) ku leedahay caasimada dalka Shiinaha ee Pejing ayaa ka qeyb gashay Munaasbadda Dowladda Shiinaha ku soo dirtay Maraakiibta Shinadda Kaalmadda u soo wada dalka Somalia, South Sudan iyo Koongada Dimuqraadiga ee DRC, oo ay ka jirto xaallad cunto-yarri baahsan.
Madaxa Xafiiska WFP ee dalka Shiinaha, Qu Siji iyo Hawl-fuliyaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Shiinaha, Saciid Jaamac Mire waxay ka mahad ceeliyeen Deeqda ay Dowladda Shiinaha ugu yahooday dadka Soomaalida iyo kuwa ku kala nool dalalka DRC iyo South Sudan.
Saciid Jaamac Mire waxa kale oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Kaalmadda cunto ay Dowladda Shiinaha u soo dirtay somalia iyo dalalka kale, waxa kale oo uu u mahada celiyey Hay’adda WFP taageeradda weyn ee ay la garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay in ay 3.5 million oo qof oo ku nool gudaha Somalia u baahan yihiin Gargaar Cunto oo Degdeg ah.
Kaalmadda shixnadda Bariiska ee ay dowladda Shiinaha ay ku wareejisay Hay’adda WFP waxaa la sheegay inay ka badan tahay 8,700 oo Tan, waxaana ka faa’ideysan doona 300,000 oo qof ee dadka liita ee ku nool Somalia, South Sudan iyo Kongada Dimuqraadiag ee DRC.
Si kastaba ha ahaatee, Deeqda Cunto ee ay Shiinaha u soo dirtay dalal ay Somalia ka mid tahay ayaa waxay ku soo beegantay Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Europe iyo Hay’adda WFP oo ay ku muujiyeen in ku-dhawaad 113 million oo of oo ku nool 53 Waddan ay la dhibaatoondeen macluul sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii.