Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab waxay xalay dhowr Gantaal ku duqeeyeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ku leeyihiin Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka magaalladda Beled-weyne.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Dagaalamayaasha Alshabaab 7 Gantaal ku duqeeyeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Saraakiisha AMISOM wax faahfaahin ah kama bixinin khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ku hoobtay Saldhiggaasi.
Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Maamulka Gobalka Hiiraan waxay saakayto Hawlgal ballaaran ka bilaabeen magaalladda Beled-weyne, oo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyey weerarka lagu qaaday Saldhigga Askarta Jabuuti ku leeyihiin magaalladaasi.
©Radio Dalsan