Dhowr qof oo ku dhaawacantay Bam lagu weeraray Maxkamadda Heerka 1-aad ee Bosaaso.

Ilaa 3 qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 2 Bam-gacmeed oo lagu weeraray Dhismaha Maxkamadda Heerka 1-aad ee magaalladda Bosaaso.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in 2 nin aan la aqsoonin ay Bambo ku tuureen gudaha Maxkamadda, oo ay xilligaasi ka socdeen Hawl-maalmeedkii Garsoorka.

Ciiddanka Ammaanka ee Maxkamadda ku sugnaa yaa furay rasaas, inkastoo uu baxsaday ninkii tuuray Bamka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay hadal uu Wasiirka Amniga ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qar-jab”  ku sheegy in dil toogasho lagu fuliyo Maxabiista Alshabaab ee ku xuran Xabsiyadda.

Waxa uu tilmaamay inay wax laga xumaado tahay in Maxaabiistaasi Xabsiga lagu sii hayo iyadoo lagu xukumay dilk, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media