Ciiddamo Baddeed ka kala socda 21 Waddan ayaa waxa u bilowday Dhoolatus Wadajir ah oo ku samaynaayaan Xeebaha dalka Singapore.
Carbiskaasi oo shalay bilowday ayaa waxaa ka qeyb galayo Ciiddamo Maraykan iyo kuwo ka kala socda dalal ka tirsan Qaaradda Asia, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Guutada 7-aad ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ka badan 400 oo Askar Maraykan ah iyo 10-Maraakiibta Dagaalka ay kaga qeyb galayaan Dahoolatuskaasi.
Dalalka kale ee ka qeyb qaadanayo Carbiska Milliteri waxay ka kala socdaan dalalka UK, Australia, Kanada, Indonesia, Faransiiska, Jarmalka, Japan, Hindiya, Â Malaysia, Bangaladesh, Singapore, Filibiin, Koonfurta Kuurya, New Zealand,Thailand, East Timor, Maldefis iyo Buruneeya.
Dhinaca kale, Carbiskan ay Ciiddanka Maraykanka hoggaaminayaan waxa uu ku soo beegmay,  iyadoo ay Shiinaha iyo Raashiya si wadajir ah  Dhoolatus  uga socdo Gobalka Ningashiya ee Bartamaha Waqooyi ee Shiinaha.