Kudlada Bad-baado qaran ee  Golayaasha Baarlaanka oo ka digay muddo kororsi

Kudlada Bad-baado qaran ee  Goleyaasha Baarlaamka Soomaaliya ayaa shir jiraa’id oo ay goordhaweyd qabteen waxaa ay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda Siyaasadeed ee dalka, waxaana eedeyn iyo dhaliilo culus u jeediyeen Madaxweynaha mudda xileedkiisa Dastuuriga ahi uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah kaga hadlay Maraxladda kala guurka ah ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana ay baaq u direen Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya Taageera.

Xildhibaanadaan ayaa Madaxweyne Farmaaajo ku eedeeyay in uu dalka galiyay dhibato hor leh, waxaana intaas ay ku dareen in uu dalka khatar ku yahay farmaajo.

Sidoo kale waxaa ay baaq u direen Ciidanka Qaranka iyo Xildhibaanada Barlamaanka, iyagoo sidoo kale ka digay in Farmaajo uu sameysto muddo kordhin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor