Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii ka dhacday Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyey bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa kaloo uu u hambalyeeyay xildhibaannada cusub ee Senatorada oo Maanta kusoo baxay doorashadii dhacday, isla markaana waxaa uu u rajeeyay in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku boggaadiyey soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee Murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ka dhacday Magaalada Garoowe, isla markaana waxaa lagu doortay 11-ka Xildhibaan ee Puntland ku matelaya Golaha Aqalka Sare, waxaana doorashada dhacday ay aheyd mid inta badan xubnahii la tartamayey Musharaxiinta ay tanaasuleen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor