Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Israsaaseyn xoogan oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay qeyb kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, taas oo muddo kooban socotay.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Israsaaseynta ay sigaar uga dhacday agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, isla markaana waxaa ay dhexmartay Ciidamo Boolis iyo kuwo Milateri ah.
Israsaaseyntaan ayaa timid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo watay gaari nooca dagaalka ay doonayeen inay xoog ku marayaan Bar koontarool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin agagaarka Digfeer, hayeeshee waxaa is hor istaag ku sameeyay Ciidanka Booliska, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana la sheegay in goobta ay ku geeriyoodeen 3 Askari oo labada dhinac ah, halka 8 qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmee, kuwaasi oo goobta ka Agdhawaa.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Isrsaaseynta dhexmartay Ciidamada dowladda, mana ahan markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale dagaal u dhexmaro Ciidamada.