Jugta qarax xoogan ayaa daqiiqado kahor laga maqlay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay agagaarka Garoonka kubada Caggta ee Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu saarnaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, waxaana miinada gaariga ay ku qabsatay agagaarka Garoonka Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicaiis, xili uu taagnaa Goomiiste.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxa uu ka badbaaday Guddoomiye Muuse Geeseey Jimcaale, waxaana ku dhintay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, iyadoo saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaariga Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Muuse Geeseey uu qeyb kamid ah soo saaray burbur, waxaana halkaas si Deg-deg ah ku gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.
Guddoomiye Muuse Geeseey ayaa ka qeyb geli rabay ciyaar saaxiibtinimo oo Garoonka kubada Caggta ee Eng. Yariisow ku dhexmari laheyd Degmada Yaaqshiid iyo degmo kale, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka.