Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Gobolka hiiraan waxaa ay ka bilaabeen Howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab kaas looga saarayo Deegaanada Gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin waqtigaan.
Howlgaladaan oo Ciidamada Xooggu ku doonayaan Al-Shabaab looga saaro Hiiraan kuwaasoo dhiibaatooyin ku haya Bulshada ku nool deegaanada Gobolka hiiraan sida ay sheegen Saraakiisha ciidamada howlgalka horkaceysa.
Holwgalka oo ka socda degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ku dhwaaqay Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaas kadib hadalkii ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay haatan dareemayaan dhaq dhaqaqyad ay ciidamadu wadaan,gaar ahaan xiliyada habeenkii.
Weli majirto wax dad ah ama deeagano ay la wareegen Ciidamda xoogga dalka inta uu howlgalku socday balse Saraakiishu ay sheegeen in ay faah faahin doonaan.