Fanaanada Nasteexo Indho oo Maanta mudo kooban lagu xiray Garoonka Aadan Cadde (Warbixin)

Fanaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed islamarkaana dhawaan show ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa Maanta mudo dhowr Saacadood ah ku xayirneed Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Fanaanada ayaa ku sii jeeda Magaalada Dubia balse xiligii ay tagtay Garoonka ayaa waxaa xoogaa isfahamwaa uu soo kala dhexgalay Sarkaalad ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaaliyeed ee ku sugan gudaha Garoonka kadib markii ay isku khilaafeen qeybta baaritaanka oo ay Nasteexo indho Mareysay.

Mudo dhowr Saacadood ah ayay ku xayirneed gudaha Garoonka,waxa ayna ku sigatay in ay ka tagto Diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneed in ay raacdo iyada DJ,Subeyr oo la socday,sida ay radio Dalsan u xaqiijiyeen Saraakiil ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

Ugu dambeyn mudo kadib ayay Nasteexo Indho ka dhooftay Garoonka Aadan-Cadde iyada iyo DJ,Subeyr,waxana inta ay ku sugneed Muqdisho ay Garoonka Banaadir Stadium ay ku qabatay show loogu Magacdaray Nabadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media