Degaano badan oo hoos yimaada magaalada Jowhar waxaa ka dilacay cudurka shuban biyood kuwaas oo ay hada la il daran yihiin dad farabadan islamarkaana la dhigay Ispitaalka Magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha Gobolka sh/dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa shaaca ka qaaday iney ku booqdeen Cisbitaalada dad fara badan oo la ildaran Cudurkaas kuwaas oo u baahan in xaaladooda wax laga qabto.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in Ispitaalka Jowhar uusan qaadi karin tirade dadka oo uu sheegay in ay aad u badan tahay.
Halkaan ka dhageyso