Dhageyso:-Yaa la wareegaya Amniga deegaanadii ay ka baxeen Ciidanka Kenya?

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasadda degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo Sahal Macalin Aadan oo la hadlay idacad dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay ciidanka Kenya ee iskaga baxay deegaano ka tirsan golaga Gedo oo markii dambana ay la wareegeen Alshabaab.

Waxa uu sheegay in saameyn aysan ku yeelan doonin ka bixitaanka ciidanka Kenya Amniga degmada Ceel-waaq iyo kan guud ee gobalaka,isaga oo shaaca ka qaadan in ay jiraan qorshayaal kale oo ciidanka dowlada fedraalku ay ku buuxinayaan kaalinta ciidanka Kenya eek a baxay deegaanadaas.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa shalay ka baxay deeganka Buusaar oo ay ku lahaayeen fariisin milatari oo laga ilaaliyo degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobalka Gedon kana midtahay degmada Ceel-waaq.

Halkaan Ka dhageyso Codka Gudoomiye Kuxigeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media